U bood dhigaalka

Xildhibaan Shariif Maxamed “Dowladnimada Iyo Axsaabtu Ma Kala Maarmaan”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya wareysi gaar ahna siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in sharciga Axsaabtu uu yahay furaha dadka hanka siyaasadeed leh, loogana bixi karo nidaamka beelaha ee 4.5.

Xildhibaanka oo aan la yeelanay wareysi dhinacyo badan taabanaya ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay in Axsaabtu ay yihiin kuwo aan looga maarmi Karin dowladnimada:

“Dowladnimada iyo Axsaabtu ma kala maarmaan, si looga gudbo nidaamkan 4.5 ee qabiilka ku dhisan, waxaa lagama maarmaan ah in Axsaab la sameeyo, Axsaabtaa ahmiyadeeda la siiyo, guddi gaar ah ayaa loo magacaabay, muddaa laga soo shaqeynaayay xisbiyo badan oo adduunka ka jira ayay kasoo shidaal qaateen, duruufaha Soomaaliya ayay fiiriyeen, mudada uu socday diraasayntiisa iyo akhrintiisa tii uu ubaahnaa ayay ahayd, haddana markii lasoo gabagabeeyay waxa uu noqday sharciga ay ku shaqeyn doonaan Axsaabta Soomaaliyeed, laguna sargooyanayo”.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dadka Axsaabta noqonayaa u baahan yihiin iney buuxiyaan shuruudo ku gudban:

“Ciddii rabta iney xisbi sameyso waa iney buuxisaa shuruudaha uu xeerinaayo sharciga Axsaabta, hadafka loo sameeyay waxa weeyaan siyaasad sida loo gaaro, qori laguma gaaro, qabiilna laguma gaaro, in barnaamij loo maro qofkii han siyaasadeed leh, kooxdii barnaamij gaar ah wadato, waa hagihii siyaasadda dadka galaya dariiqii ay umari lahaayeen waa axsaabta”.

Waxa uu ka waramay kala duwanaashiyaha Axasaabta:

“Axsaabtu waxay ku kala duwanaan karaan barnaamijyada, dhaqaalaha, siyaasadda, difaaca, arrimaha bulshada, waxyaabo badan ayay ku kala duwanaan karaan, ama waxyaabo badan ayay iskaga mid noqon karaan, laakiin iyadoo saas ay tahay, qofi kaligii meel ma istaagi karo waa in uu xisbi ku biiraa, xisbi aan qabiil ku dhisneyn, xisbi aan gobol ku saleysnayn, xisbi Soomaali oo dhani ay ku jirto, xisbi waa barnaamij howsha uu dadka u qabanaayo oo uu uballan qaadaayo weeyaan nuxurkiisu”.

“Hadda xisbi ma jiro, dadku waxay isku khaldayaan ururada siyaasadeed ama dadka hanka siyaasadeed leh oo muujiyay iney xisbi noqon rabaan oo soo bandhigay magacyo qurqurxoon, xisbi waxa weeyaan marka uu shuruudihii buuxiyo, markii 9 gobol oo dhan uu ka jiro, markii cadadkii loo baahnaa ee aasaasayaal ah ay jiraan, marka wasaaradda arrimaha gudaha ay siiso Laysankii, markaas ayaa xisbi la dhihi karaan, shuruudda ayaa kala reebaysa”.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyay sharciga Axsaabta qaran 6/Juun.2016, kaas oo lagu tilmaamey kan kaliya ee looga bixi karo hanaanka beelaha ee hadda lagu qeybsado siyaasadda dalka.

Goobjoog News