U bood dhigaalka

Xildhibaan Sheegay In Dhallinyarada Ku Xiran India Yihiin Kalluumeysato

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan ka tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegay in dhallinyarada ku xiran dalka India ay yihiin Kallumeysato ay afduubteen maraakiibta dalkaasi.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Cali ayaa sheegay in Galmudug ay xoogga saareyso sidii ay dhallinyaradaasi Soomaaliyeed ku heli lahaayeen xoriyaddooda.

Maxkamad la sheegay in dhallinyaradaasi lagu saarayo dalka India ayaa dib u dhacday illaa 13-ka bishan Octobar wuxuuna sheegay in ka Galmudug ahaan ay kala hadleen dowladda Hindiya sii deynta dhallinyaradaasi oo ku eedeysan falal burcad badeednimo.

Wareysiga uu siiyay Goobjoog News ayuu ku sheegay in wasaaradda xiriirka caalamiga ah ee Galmudug ay ka baarlamaan ahaan kala hadleen arrinta dhallinyarada.

“Dowladda India waxaan u sheegeynaa in dhallinyaradaasi ay sii deyso maxaa yeelay muddo ayay u xirnaayeen, xukunkoodana sidaas ayay ku qaateen,laakiin waaba kalluumeysato dowladda Hindiya waxaa laga rabaa inay magdhow siiso” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Cali

Xildhibaankan ayaa sidoo  kale sheegay in dowladda India ay ka qabaan rajo fiican oo ku aaddan in ay soo sii deyso dhallinyaradani.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Hindiya oo tiradooda kor u dhaafaysa illaa 100, ayaa xaalado adag ay ku heystaan xabsiyada ay ku jiraan.

Dowladda Soomaaliya ayaana lagu eedeynayaa iney ka gaabisay wax u qabashada dhallinyaradaasi oo qaarkood lasoo sheegayo inay xabsiga ugu dhinteen cudurro ku dhacay kadib markii ay waayeen daryeel.

Goobjoog News