Xildhibaan Sheegay in aanu sharci ahayn Mooshinka laga gudbiyay Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheeh Axmed (Dhageyso)

Xildhibaan Cabdi-ladiif Sanyare oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya sheegay in aanu hab sharci ah ku imaan Mooshin shalay laga keenay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in mudanayaasha golaha shacabka ay garan la’yihiin shaqada loo wakiishay, sidaasi darteedna mashquulka uu sidaasi ku yimid.

Wuxa uu tilmaamay in ay ka hortagayaan mooshinkaasi oo uu sheegay in uu yahay mid la doonayo in meesha looga saaro xukuumada Soomaaliya, ayna ku dadaali doonaan sidii ay meesha uga saari lahaayeen.

Hadalkani ayaa yimid markii xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka ay warbaahinta ka sheegeen in ay shalay gudbiyeen mooshin ka dhan ah xukuumadda iminka shaqeysa ee uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Cabdi weli Sheekh Axmed.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW