U bood dhigaalka

Xildhibaan sheegay in ay ka go’an tahay ridista xukuumada Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Daahir Xasan Cabdi oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee keenay mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in xildhibaanadooda ay ka go’antahay inay ridaan xukuumada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in khilaafka ka dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha uu noqday mid keenay habacsanaan shaqada dowladda looga baahnaa, sidaa darteedna ay diyaar u yihiin in isbedal ay dalka u keenaan.

Xildhibaan Daahir ayaa meesha ka saaray in ay jiraan wada hadalo u dhaxeeya Xildhibaanada aragti ahaan ku kala qeybsamay mooshinka Ra’iisul wasaaraha, isaga oo dhankooda ku sifeeyay in ay yihiin kuwo wadadii saxda ahayd ku taagan.

“Wax aan ka wada hadalno ma yaalaan, in shacabka iyo dalka deg deg wax loogu qabto side loogala hadlaa, rag doonaya in ay gadaal u dhigaan, xukuumadaan wax meesha u yaalo malahan, Ra’iisul waxaan ka sugaynay in uu baxo mooyee ma ahan xitaa in mooshinka uu sii sugo, waxaa laga rabay inuu dhaho shacabka ha iga cafiyaan waqtigii aan ka lumiyay” xildhibaanka ayaa sidaasi yiri.

Maalinta Talaadada ah ayaa la filayaa in baarlamaanka Soomaaliya la hor horkeeno mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed, iyadoo Sabtidana laga doodi doono ka dibna loo codeynayo.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News