U bood dhigaalka

Xildhibaan sheegay in maalmaha soo socda baarlamaanka la hor geynayo sharciga xuduudaha (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Cabdi Samad Macalin
Cabdi Samad Macalin

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in maalmaha soo aadan Baarlamaanka hor gayn doonaan sharciga xuduudaha si loo soo af meero muranka ku saabsan soohdimaha maamullada dalka.

Cabdisamad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in marar badan loo ballansanaa ka doodista sharcigan hase ahaatee dib loo dhigay.

Fadhiyada soo aadan ayuu sheegay Cabdisamad in sharcigan diirada la saari doono si loo helo xal ku aadan muranada maamulada dalka laga dhisayo ama kuwa dhisan.

Maamullada looga dhawaaqay koofurta iyo bartamaha dalka ayaa dhaliyay is qabqabsi iyo xiisado siyaasadeed.

Hoos ka dhageyso codka Cabdisamad Macalin Maxamuud: