Xildhibaan Sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh ay kala hadleen sidii loo xalin lahaa khilaafka xilligaan jira (Dhageyso)

XildhibaanXildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in isaga iyo xildhibaano kale ay kulan la qaateen madaxeyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayna kala hadleen sidii loo xalin lahaa Khilaafka kala dhaxeeya Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Xildhibaanka oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in madaxweynaha uu usoo bandhigay in la joojiyo waxa baarlamaanka ka jira, iyo in wax walba sida ugu haboon loo maro.

Waxa uu tilmaamay Xildhibaan Maxamed in madaxweynaha kala hadleen sidii howlaha horyaala dowladda aanay saameyn ku yeelan khilaafka xilligaan jiri.

“Madaxweynaha waxa uu yiri, waxaan rabaa in wax walba lagu dhameeyo waan waan iyo wada hadal” ayuu yiri xildhibaanka.

Dhinaca kale xildhibaan ayaa sheegay in baarlamaanka marnaba aan la keeni karin, wax aan sharci ahayn oo uu kala jeedo mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaaraha.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga.

Related Articles

32 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW