U bood dhigaalka

Xildhibaan Sheegay In Shirkii Madasha Wadatashi Ee Ka Dhacay Muqdisho Ay Ka Maqnaayeen Gobalada Waqooyi

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Xiis Muuse Cawl oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobollada Waqooyi ee dalka ayaa sheegay in shirkii madasha wadatashiga qarank ee dhawaan kusoo dhamaaday magaalada Muqdisho uu ahaa mid aanay u dhameyn Soomaalida, islamarkaana ay meesha ka maqnaayeen gobalada Waqooyi.

Waxa uu sheegay in dhammaan dadkii halkaasi ku shirsanaa ay ahaayeen Reer Koonfur, marka laga reebo Shan xubnood oo uu tilmaamay in ay baarlamaanka iyo xukuumadda matalayeen.

Sidoo kale xildhibaan Xiis ayaa sheegay in ay shaki weyn ka qabaan in madaxda Soomaaliyeed aysan ka dhab ahayn midnimada waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxa kasoo baxay madasha waa aragti aanay u dhameyn umadda Soomaaliyeed, ma jirin gobalada Waqooyi dad matalayay, dadka meesha fadhiyay reer Koonfureed bay ahaayeen, annaga horay waan u sheegnay, haddana waan sheegaynaa, dadkii halkaasi ku jiray waxay ahaayeen reer Koonfrureed, gobalada waqooyi cidna uma joogin, waxaan ka shaki qabnaa in madaxda Soomaaliyeed ay midnimada afka ka sheegaan oo aanay dhab ka ahay” ayuu yiri xildhibaanka.

Ugu dambeyn xildhibaan Xiis Muuse Cawl ayaa rajo xumo ka muujiyay in ay is fahmaan gobalada Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in xuquuqdii ay lahaayeen gobalada Waqooyi la duudsiiyay, taasina ayba halis ku tahay in xubnaha gobaladaasi ka jooga Muqdisho ay iyaguna raacaan aragtida Xukuumadda Siilaanyo.

Goobjoog News