U bood dhigaalka

Xildhibaan Sheegay in wax hakad ah aanu geli doonin shirka ka socda Baydhaba (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Yacquub Cali Maxamed oo ka mid ah Barlamaanka Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin sabab keeni karta in ergada Baydhabo ku shiraya ee dhisaya Maamulka sadaxda Gobol u deg degaan maalin ka dib markii Ra’isulwasaraha uu war ka soo saaray shirkaasi.

Xildhibaankan waxa uu sheegay in shirkan uu yahay mid ay ka war hayso Dowlada Federaalka Soomaaliya sidaa oo ay tahay loo baahnaa in Xukuumada Soomaaliya ay go’aamiso sii socoshada dhamaystirka shirkaasi.

Mar uu ka hadlayay qoraal dhawaan uu soo saaray Ra’iisul wasaaraha kuna saabsan dhismaha maamuka Koonfur Galbeed iyo xubno Muqdisho looga wacay ayuu sheegay in aysan wax dhib ah u keeni doonin shirkaasi.

Dhanka kale waxa uu sheegay in xubno ka mid ah maamuka Lixda gobal ay wadaan shaki ku abuuris ku aadan habsami u socodka shirkaan, sidoo kalena waxa uu tilmaamay in Baydhaba ay ku shaaciyeen warar ah in shirka la joojiyo.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysi aynu la yeelanay Xildhibaanka.

Goobjoog News