U bood dhigaalka

Xildhibaan sheegay in xilligan aysan habooneyn dacwada la xiriirta badda Soomaaliya (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay in xilligan aysan ku haboonayn dowladda Federaalka Soomaaliya in ay gudbiso dacwada la xiriirta badda ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Xildhibaan Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in dalka waqtigan awood uusan u lahayn dhaqaale ahaan   marka loo eego dacwadan.

Waxa uu tilmaamay xildhibaankan in dacwadan ay ku wanaagsanaan lahayd marka la helo Baarlamaanka dadka soo doorta.

Hadalka xildhibaankan ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay warqad cabasho ah u dirtay maxkamada caalamiga ee cadaalada, taas oo ay uga dacwooneyso Kenya in ay ku soo xad gudbeyso badda Soomaaliya.

Agaasimaha hay’ada cilmi baarista badaha Soomaaliyeed admiraal Faarax Qare ayaa dhankiisa sheegay in wax la qaadan karo aysan ahayn in la dhaco badda Soomaaliyeed.

Hoos ka dhageyso codka Xildhibaan Feysal Cumar Guuleed: