U bood dhigaalka

Xildhibaan sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay la laabatay sharciyo aan la ansixin

Sheeko:Dalka

Mid ka mid ah xildhibaanada barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay la laabatay hindise sharciyeedyo aan la meel marin.

Xildhibaan Feysal Cumar oo u waramay Goobjoog FM ayaa sheegay in kala wareegii xukuumaddii hore iyo tan haatan jirta uu keenay gaabiskaasi.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in barlamaaka Federaalka Soomaaliya uu qabtay howl wanaagsan inkastoo ay jiri karaan qaladaad ka dhacay sida uu warka u dhigay.

Qaladkaas waxa uu sheegay in barlamaanka uusan masuul ka ahayn oo uu yahay qalad banaanka laga soo abaabulay.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa mooshino ay hore u soo saareen ku rideen xukuumadii uu hogaaminayay ra’iisal wasaarihii hore Cabdifaarax Shirdoon Saacid.

Hoos ka dhageyso codka xildhibaan Feysal Cumar: