Xildhibaan Soo Dhaweeyay Go’aankii Guddoonka Baarlamaanka Ee Ahaa Inaysan Safrin Mudanayaasha Mudada La Shaqeynayo

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ayaa go’aan waxtar leh ku tilmaamay go’aankii dhowaan ka soo baxay guddoonka baarlamaanka ee ahaa in xildhibaannadu inta lagu guda jiro howlaha shaqo aysan bixi karin.

­Xildhibaan Axmed Cabdulle Mayow (Cornel Ruush) ahna xubin ka tirsan guddigga daba galka iyo dhaqan galinta Dastuurka ayaa go’aan wax tar u leh dastuurka ku tilmaamay go’aankii gudoonka Baarlamaaka Soomaaliya uu ku joojiyay safarada xildhibaannada baarlamaanka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xillibaanada oo aan safar aadin ay horu u socod siineyso fadhiyada baarlamaanka waqtiga kooban ee u haray.

Dhanka kale Xildhibaan Ruush ayaa sheegay in wali ay soconayaan wadatashiyada dastuurka dalka oo sahcabka iyo dhamaman maamul Goboleedyada dalka ay ka qeyb qaadanayan.

Guuddoonka Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in xilligaan ay muhiim tahay in la dhameystiro shaqooyinka hor yaalla baarlamaanka, bedalkii la safri lahaa iyadoo shaqo ay taallo.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW