U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Oo Taageeray Go’aankii Odayaasha Dhaqanka Hiiraan Ee Shirka Jowhar

Sheeko:Baarlamaanka

Abuukaate Daahir Xasan Cabdi oo ka tisan mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ku taageeray odayaal dhaqameedka Hiiraan in la qaadaco shirka maamul u sameynta labada gobol ee gogoshiisu ka furan tahay magaalada Jowhar.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Shacabku wey ogyihiin xiisaddii taagneyd oo Hiiraan iyo gobolka Shabeeladda dhexe isku darkooda dowladdu ku mashquulsaneyd,  arrintaas meel fiican ayay martay hadda  awal dhib weyn ayaan ku qabney dowladda, iyadoo aan shicibkii la tashan,  rabitaankoodii aan raadin, ku dadaaleysa iney isku aroosiso laba gobol oo aan diyaar isku ahayn, dowladdu waxya damacsaneyd dan ay iyadu wadato iney ku khasabto shicibka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellada dhexe”.

Hiiraan wixii in muddo ah loo fadhiyay oo loogu  magac daray shir dib u heshiisiin iyo aayo ka talin ah, dowladdii way iska indho tirtay, sharaftii gogosha loo furay iyadoo aan laga sal gaarin, wajigii kale ee aayo ka talintana aan loo gudbin ayaa waxay dowladdu ku dhawaaqday digreeto madaxweyne oo uu leeyahay labadii gobol waan isku darnay, taasi gaf weyn ayay ku ahayd gobolka iyo shacabka reer hiiraan, waxayna keentay iney dhib weyn kala kulmaan  in shicibkii iyo siyaasiyiintii lagu kala jabiyo odoyaashiina dhaqankana dhib weyn loo geysto.

“Duubabkii iyo oday dhaqameedyadii oo ku howlanaa in muddo ah iney shicibkoodii hantaan, shicibkooda rabitaankooda ku shaqeeyaan, intaas waxay wadeen wadahadallo ay uga hortagayaan kuna diidan yihiin isku darka labada gobol, waxaana kasoo baxay wixii la filayay oo ah iney yiraahdaan; gogoshaa Jowhar wixii kasoo baxaa waa xaaraan, waxay ku dhawaaqeen gogoshaas shacabka Hiiraan gafbey ku tahay, maanta waxaan taagannahay Hiiraan oo aaya ka talinteedii duubabku odey u noqdeen” waana sida uu hadalka u dhigay xildhibaanku.

Annaga haddaan siyaasiyiin nahay, haddaan xildhibaanno nahay, haddaan shacabka nahay, waxaan diyaar u nahay inaan hoos istaagno duubabka oo rabitaan koodii ku shaqeynno, go’aanka ay gaareen inaan sharafno, ayuu yiri xildhibaanku.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku daray; “Waxaan codsi u direynaa dowladda iyo xukuumadda iney qadariso rabitaanka duubabka oo ku shaqeynaya rabitaanka shicibka Hiiraan, annagu waxaan ku shaqeynaa rabitaanka shacabka, maaha iney naga tallaabsato inagoo ah dadkii shacabka matalayay, baarlamaanku dowladdii ayuu qeyb ka ayahay, laakiin shacabka ayuu matalaa”.

Federal waxa weeyaan ayuu yiri in gobol kastaa uu ku biiro oo uu ku darsado cidda uu rabo, anaguna rabitaankeenii ayaan muujinay, waxaa rabitaankeennu yahay Hiiraan oo kaligeed taagan gobolna aan raacin, qorshahan dowladdu ay wadato oo meel ay ka keentay aanan la ogeyn in dowladdu ka gaabiso oo shicibka u deyso xornimadooda, federal anagaa galayna haddaan doonno, haddaan doonana qofka aan doonno ayaan raaceynaa, dowladdii ma diidanin waxaan diidannahay gobol aanan is ogoleyn in la isku kaaya aroosiyo, ma ogolin in ay Jowhar nagu soo darsanto, hadday isku filan tahay ha istaagto, haddii kale meeshii ay ka soo go’aday way taqaanna, gobolka banaadir ayay awalba ka timide haku noqoto.

Xildhibaanka ayaa xusay iney Hiiraan u qalantay in laba gobol laga dhiggo laakiin xoog lagu marsiiyay 18 gobol, laakiin ay ahayd in tixgalin goonni ah la siiyo Hiiraan laba gobolna laga dhigo, gobollada Soomaaliyana lagu qiimeeyo 19 gobol, waxa uu sheegay in aaney taasi dhici, cid ay danbe oo ay wax ka sugayaanna aaney jirin.

Waxaa xusid mudan in odayaal dhaqameed aad u farabadan oo ka soo jeeda gobolka hiiraan ay go’aan ka soo saareen shirka ka socda Jowhar oo ay ku tilmaameen mid aaney qaadaneyn natiijo kasta oo ka soo baxda.

Goobjoog News