U bood dhigaalka

Xildhibaan Ugu Baaqay Puntland In Ay wax ka Qabato Dadka Koonfureed Ee Lagu Dhibaateynayo Deegaannadeeda

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Mayow Xuseen Cabdulle oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News, ayaa Puntland ugu baaqay in ay wax ka qabto shacabka koonfureed ee lagu dhibaateynayo deegaanada maamulka.

Xildhibaanka ayaa ugu horreyn waxa uu Puntland ugu hambalyeeyay iska caabinta nabad diidka, isagoo yiri maamul goboleedyada kale ee dalka waxaan ka rajeynayaa iney sidaas oo kale ugu daydaan.

Waxa uu tilmaamay Xildhibaanku in shacabka Soomaaliyeed ay xuqooqdoodu tahay isku mid ah, mid xuquuq gooni ah la siinayaa ma jiro, mid deegaanka ah iyo mid qaxooti ku ah ama arrimo kale u jooga, Soomaalinimada waa in guud ahaan la wada ilaaliyo.

Waxaa nasoo gaaray, ayuu yiri; in Puntlanad dad badan lagu dhibaateeyay oo aan waxba galabsan, siiba dadka kasoo jeeda gobolada Koonfureed, oo lagu dhibaateeyay, goldogob, qardho, Burtinle iyo Bacaadweyn dadbadan oo hantidooda lagu dhacay, qaar kalena lagu dhaawacay, arrinkaas aad ayaan uga xunnahay, ayuu yiri xildhibaan Col.Ruushow.

“Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay inuu ku hadlayo afka xildhibaanada kasoo jeeda Koonfurta, gaar ahaan kuwa beelaha Digil iyo Mirifle, waxa uu yiri; dadkayagu aad ayay u soo cawdeen, si toos ah ayaa la iisoo gaarsiiyay, waxaan Puntland ugu baaqaynaa iney cabashadaas baaraan oo ay wax ka qabtaan oo aan la dhibaateyn umaddaa meesha ku nool, dadka dhibaatada geysanaya wax laga qabto maxkamadna lasoo taago”.

Xildhibaanka ayaa sheegay in haddii qof dambi galo aan loo eedeyn dadka oo dhan, dadka waa la tuhmi karaa, laakiin maaha in hantidooda la dhaco  boobna loo geysto,looguna sii daro dakharro iyo dhaawac, waxaan matalnaa shacabka, ayuu yiri; haddii wax loo geysto in aan hadalno xaq ayaan u leenahay.

Dhanka kale xildhibaanka ayaa ugu baaqay maamulka Konfur galbeed iney arrinkan u kuurgalaan oo ay baaraan cabashadaas shacabka ka imaneysa.

Xildhibaanka ayaa dowladda Federaalka dhankeeda ugu baaqay iney wax ka qabtaan cabashada soo gaaraysa iyo dadka shacabka ah ee lagu waxyeeleynayo Puntland ee lagu dhacayo in xuquuqdooda loo ilaaliyo.

Waxa uu talo ku soo jeediyay in xaaladda la dejiyo dadkana loola dhaqmo si dowladnimo ah, waxaanuu ka digay in xaaladdu ay isku bedeli karto qabiil.

Ugu dambayn, qaraxii Khamiistii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Gaalkacayo oo ay ku dhinteen 7 qof ayna ku dhaawacmeen 8 qof,  ayaa dhaliyay in dhibaatooyin loo geysto dad kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo Puntlanad ku dhaqnaa.

Goobjoog News