U bood dhigaalka

Xildhibaan Xaaf oo Sheegay in Doorashooyinka Dadban aaney ka Suurotogaleyn Gobollada Dalka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa tilmamaamay in gobollada Soomaaliya aysan u diyaarsaneyn amni ahaan ergada ay tahay iney soo doorato mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, sidaa darteedna aaney ka suurtogaleyn iney doorasho ka dhacdo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in sugidda amnigu  ka duwan tahay xilliyada doorashada wakhtiyada kale, waxaanuu sheegay iney wanaagsan tahay in doorashooyinka dadban ee dhamaadka sanadkan ay marti galiso magaalada Muqdisho oo uu sheegay iney qaadi karto dadka baaxadaa leh ee wax dooranaya.

“14 kun oo qof maanta oo la joogo sida ay ku nabad galayaan ayaa ila adag, gobollada dhibaato aan xamar ka dhici karin ayaa ka dhici karta, qofkii doorashada waayaa dagaal inuu ka dhigo ayaa laga yaabaa, dhibaatooyin badan ayaa arrintaa goboladu soo waddaa, wixiina lama koobin oo Xamar oo kale waa meel dadbadan joogo oo lagu kala dhuuman karo, laakiin gobol laguma kala dhuuman karo”.

Xildhibaanka ayaa sheegay in doorashada dalka dib loogu celiyo gobollad ay tahay in dalka dib loogu celinayo qabyaalad qayaxan:

“Waa arrin qabyaaladeysan oo dadka kulli qabiilkii lagu celinaayo, qabiilkana ma shaqeyn karo, dastuurka waxaa ku taalla qof kasta oo Soomaali ah meel kasta ayuu dagi karaa, wax ka dooran karaa lagana dooran karaa, dadkii ayaa qabiil looga kala soocayaa, kolley arrin ila habboon maaha, markii qof iyo cod ay noqoto kii Marka ka doonanaya iyo kii meel kale ka doonanayaa iyaday u taallaa”.

Waxaa Muqdisho iyo gobollada dalka  ka soconaya dadaallo xooggan oo ku aaddan in doorasho ay dalka ka qabsoonto iyadoo ay muuqato dib u dhac ku yimid shaxdii doorashada dalka.

Goobjoog News