U bood dhigaalka

Xildhibaan Xanafi “Maamulka Gobalka Hiiraan Arday Badan Buu Qalqal Ku Beeray”

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Cabdulqaadir Sheekh Xanafi oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa isaga oo ku sugan magaalada Baladweyne, waxa uu sheegay in maamulka gobalka Hiiraan uu qalqal ku beeray arday dhiganeysay iskuul ku dhex yaalla Xeradii daraawiishta ee magaaladaasi.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in aan la ogeyn sababta maamulka ku kaliftay in lagu xad gudbo xarun shacabka oo dhan ay wada leeyihiin, islamarkaana la burburiyo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay farayaan dhammaan hay’adaha ay quseyso arrintani inay badbaadiyaan xeradaasi oo uu sheegay in la iibsanayo.

“Maamulka gobalka Hiiraan waxaan la aadi donnaa hay’adaha ay suqeyso xarrintani hadii aan hadda laga waan toobin, maamulka waxa uu qalqal ku beeray ardaydii wax baraneysay, waxaa lagu xadgubayaa hantidii shacabka, sidaa darteed hay’adaha arrimahaan quseyso waa inay degdeg wax uga qabtaan” ayuu yiri xildhibaan Xanafi.

Tani ayaa imaanaysa xilli la sheegayo in maamulka gobalka Hiiraan uu burburin ku billaabay xeradii daraawiishta ee magaalada Baladweyne, waxaana xusid mudan in halkaasi uu ku yaallo Iskuul wax lagu barayay ardayda, iyadoo waxgaradka ay sheegeen in dhulkaasi shaqsiyaad laga iibiyay.

Goobjoog News