U bood dhigaalka

Xildhibaan Xiis ” Annagu Aqalka Sare iyo Mid hoose Toona Ka Qeybgali Mayno”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Xiis Muuse Cawl oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay inaaney doorashada dadban ka qeybgaleyn illaa laga xallinayo cabashadooda aqalka sare.

Xildhibaan Xiis oo ka mid ah xildhibaanada gobollada Waqooye ee dalka ayaa waxa uu ka hadlay inaan wali mawqifkoodii hore is bedelin halkiisiina uu taagan yahay marka la eego dhanka ka qeybqaadshada doorashooyinka;

“Waa sideedii wax iska bedelay ma jiraan go’aankii ay odayaashu gaadheen siyaasiyiintuna ku raaceen halkiisii buu taagan yahay shirkii hadda ugu dambeeyay waxaan sii ayidnay go’aankii isaga ahaa, annagu aqalka sare iyo mid hoose toona ka qeybgali mayno, illaa xal laga gaadho aqalka sare”.

Xildhibaanku waxa uu faahfaahiyay aragtidooda iyo waxay ku saleysan tahay waxaanuu yiri;

“Aragtiyadu waxay ku saleysan tahay qodob dastuurka ka mid ah oo sheegaya aqalka sare inuu 54 yahay loona qeybsado 18 gobol ee dowladdii kacaanka ahayd, si cad ayuu dastuurku u sheegayaa wuxuu leeyahay si siman halloo qeybsado, annagu waxaan nahay 5 gobol, 15 xubnood baanu leenahay halkaas ayaanu taaganahay qodob dastuuri ah ayaanu ku doodeynaa gobollaanu ku doodaynaa cid aanu wax saa’id ah ka rabnaa ma jirto”.

“Dalka Soomaaliya waxa uu ka koobnaa waqooyi iyo  koonfur, waqooyinimada iyo konfurta wax noogu qeybiya ma lihin ee waxaan leenahay gobolladayadii sida Dastuurku qorayo ha nala siiyo, 5 gobol waxay kala yihiin Awdal, Waqooyi Galbeed, Togdheer, Sool iyo Sanaag. Qodobka 72aad ee Dastuurka uu leeyahay 18 gobol si siman wax ha loogu qeybiyo kiibaanu taagannahay”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in dadka wax isku keenay uu yahay Dastuurka ciddii aan ogoleynna waxa uu ku tilmaamay iney dooneyn dowladnimo iyo midnimo Soomaaliyeed midna, waana dad boob u socda, ayuu yiri.

Xildhibaan Xiis waxa uu sheegay inaaney cidna baryayn in la qanciyaana ay khasab tahay haddii kalena ay raacayaan halkii ay kuwii kale raaceen, isagoo markaa tilmaamay in dib ugu laaban doonaan goonni isku taaggii maamulka Somaliland.

Odayaal dhaqameed iyo xildhibaanno shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay inaaney ka qeyb qaadan doonin doorashooyinka dadban illaa xal laga gaaro doorashooyinka

Shir jaraa’id oo habeenimadii xalay ay ku qabteen magaalada Muqdisho qaar ka tirsan golaha wasiirrada dowlada Federalka iyo xildhibaanno ka soo jeeda gobollada Waqoyi ayaa waxay si cad u sheegeen ineysan ka qeybgalayn doorashooyinka  dadban ee dabayaaqada sanadkan 2016.

Goobjoog News