Xildhibaan Xoosh “Xildhibaanada qaska wada waxaa gadaal ka riixaya Nicholas Kay” (Dhageyso)

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in khalalaasaha ka taagan baarlamaanka dhexdiisa ay ka dambeeyaan gacmo shisheeye oo uu ka mid yahay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nicholas Kay.

Abuukaate Xoosh Jabriil ayaa carrabka ku adkeeyay in wakiilka Qaramada Madoobe ee Soomaaliya Mr. Nicholas Kay sidoo kale rag kale oo ajnabi ah ay gacanta kula jiraan siyaasadda dalka Soomaaliya.

Xildhibaannada diidan mooshinka ayuu ku eedeeyay inay dagaal ka riixayaan beesha caalamka oo uu ku sifeeyay in xiligani aysan wadin danta dadka iyo dalkaba.

Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya mar uu soo hadal qaaday wuxuu sheegay inuu garan waayay la xisaabtanka xildhibaanada is hor istaagga ku sameynaya shaqooyinka baarlamaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waxaa xilligaan ka dhex taagan qalalaasyo, ka dib markii Laba jeer uu fashilmay kulan ay ku lahaayeen xarunta golaha shacabka Muqdisho.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW