U bood dhigaalka

Xildhibaan Yuusuf Dirir oo u Geeriyooday Dhaawac soo Gaaray iyo Jawaari oo Ka Tacsiyadeeyay

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Xildhibaannada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dilkii maanta Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi oo kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen xilli uu marayay wadada Maka Al-mukama.

‘’Innaa Lillaahi waa Innaa Ileyhi Raajicuun. Marxuumka Allah u naxariisto. Waxaa uu ahaa nin waddankiisa u soo shaqeeyay, mar walbana ku haminayey inuu arko Soomaaliya oo mideysan, nabad ah, kana soo kabatey burburkii ku dhacay. Waxaa uu ahaa nin si wanaagsan uga dhex muuqdey baarlamanka’’. ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Falka dilka ah waxaa ka badbaaday Xildhibaan Cabdalla Boos oo la socday Xildhibaanka la dilay.

Marxuum Yuusuf Dirir Cabdi  ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaastii ay ku fureen kooxo hubeysan oo sida la sheegay watay gaari nuuca gurmadka loo adeegsado ee loo yaqaan (Amblance)