U bood dhigaalka

Xildhibaanad Maryan Cariif oo Soo Dhaweysay Baarlamaanka Dhalinyarada Soomaaliyeed kuna Baaqday In Laga Qeyb galiyo Dhamaan Gobolada

Sheeko:Dalka

Xildhibaanada ayaa si aad ah usoo dhaweyday Baarlamaanka dhalinyarada Soomaaliyeed oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Muqdishu.

Maryan Cariif Qasim ayaa sheegay in iyada iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay horay uga wada haleen arinkan, iyadoo intaa ku dartay in Jiilkan da’da yar u baahan yihiin in la barbaariyo, lana diyaariyo.

Maryan ayaa ku talisay in Baarlamaanka Dhalinyarada Soomaaliyeed in dhalinyarada laga soo xulo dhamaan Jaamacadaha ku yaalo gobolada iyo degmooyinka Soomaaliya si arinta u noqoto mid ay Soomaalida u dhan tahay.

Xildhibaanadda ayaa ugu dambeyntii carabta ku adkeysay in Baarlamaankan ujeedadiisu noqoto arday fiican oo Iskuul iyo waxbarashada ku fiican, Waalidkooda Baari u ah oo dalkooda jecel oo dalka Bari wax ka noqdaan rabo in meesha la isugu keeno.

Hadaba Dhageyso Wareysiga