U bood dhigaalka

Qabanqaabada aaska Xil. Saado Cali oo saaka ka socota Muqdisho

Sheeko:War
Saado Cali Warsame
Saado Cali Warsame

Waxaa Saakay lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu aaso Xildhibaan Saado Cali Warsame oo Shalay Rag Hubeysan ay ku toogteen meel u dhow Hoteel Ambasador ee wadada Makka Al-mukarama,

Qababqaabada Aaska Allaha u naxariistee Xildhibaan Saado ayaa ka socota Xarunta Madaxtooyada dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in Janaasada lagula tukado Masjidka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Dilka marxuumadda waxaa si isku mid ah uga hadlay madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya, madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Ra’iisal wasaaraha xukuumadda, guddoomiyaha baarlamaanka, xildhibaano iyo wasiiro ayaa si kulul u dhaleeceeyay dilka Saado Cali Warsame loogu geystay Muqdisho.

Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa inooga waramay Saakay sida ay Qaban qaabadu u socoto.