U bood dhigaalka

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug Oo Mahadceliyay Ciyaartooyda iyo Macallimiinta Ee Soo Gaaray Fiinaalaha Tartanka Maamul Goboleedyda

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baalrmaanka Galmudug iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlaamankaas ayaa ku dhiiri gelin iyo mahad celin u sameeyay ciyaartooyda kooxda kubbadda kooxda Galmudug ee markii ugu horeesay gaaray fiinalaha tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

Sidoo kale munaasaabada waxaa hadal dardaaran ah ka jeediyay qaar ka mid ah Wasiiradda Galmudug,iyagoo sheegay in ay ku faraxsanyihiin in yihiin kooxda kaliya ee ka socota Maamulada dalka ee soo gaarta kama dambeysta tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug Xasan Axmed Shire ayaa u mahad celiyay Xuldhibaanada ka socday Galmudug,booqashada ay ugu yimaadaan ciyaartooyda,isagoo sheegay in ay sugayaan kaalinta doorka Xildhibaanada Baarla.aa ka Galmudug ee mu aada  horomaronta kooxda.

Gddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug Faadumo Fadhi ayaa balan qaad sare u samaysay kooxda Galmudug,hadii ay ku guulaystaan koobka iyo hadii kalaba,waxayna intaa ku daray in ay sharaf u tahay heerka ay maanta taagantahay Galmudug.

Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Mahad Celinta Loo Sameeyay Ciyaartooyda Galmudug

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle