U bood dhigaalka

Xildhibaanada Baarlamaanka oo dib loo tiriyay iyo Gudoomiye Jawaari oo shaaciyay tirada rasmiga ah ee xildhibaanada

Sheeko:Dalka

Waxaa dib loo tiriyay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee haatan fadhiya xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, maadaama kulanka uu ku furmay 211 mudane.

Tirin ka dib gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in xildhibaanada fadhiya ay yihiin hadda 232 mudane, sidoo kalena ay codeyn doonaan Ku xigeenada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo sidoo kale Habdhowraha, waxaana wadarta guud ee xubnaha codeynaya ay noqonaysaa 235.

Gudoomiye Jawaari ayaa xildhibaanada u sharaxay qaabka loo codeynayo, waxaana loo sheegay in codeynta ay noqon doonto mid gacan taag ah.

La soco warkaan wixii kusoo kordha

Goobjoog News