U bood dhigaalka

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta kulan leh iyo wadooyin mqudisho qaarkood oo xiran

Sheeko:Dalka

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in kulan ay ku yeeshaan magaalada Muqdisho, kaa oo ay kaga hadli doonaan arimo ku aadan mooshinkii dhawaan laga keenay Ra’iisul wasaaraha.

Amaanka xarunta golaha shacabka iyo wadooyinka gala ayaa aad loo adkeeyay, waxaana halkaasi ku sugan, ciidamo loogu tala galay in amniga ay xaqiijiyaan.

Wadooyin aada dhanka Sayid ayaa ah kuwo ay taagan yihiin ciidamo aad u badan, waxaana halkaasi laga celinayaa gaadiidka dadweynaha.

Xildhibaanada ayaa la filayaa in ay ka hadlaan arinta ku saabsan mooshinka laga keenay ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed , maadaama dhawaan xildhibaano ay gudoonkabaarlamaanka u gudbiyeen mooshinkan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News