U bood dhigaalka

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta la filayo in loo qeybiyo mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Cabdiweli

Sheeko:Dalka

xildhibaano2Maanta oo Isniin ah waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarunta golaha shacabka uu ka dhaco kulankii caadi ahaa ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaa oo maanta la doonayo in xildhibaanada loogu qeybiyo mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay Jimcadii aynu soo dhaafnay in maanta Xildhibaanada loo qeybinaayo Mooshinka ka dhan ah Ra’iisul wasaaraha.

Shalay magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinka, waxaana ay sheegeen in wixii maanta ka dhaca xarunta golaha shacabka ay mas’uul ka noqon doonaan, Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo xildhibaanada Keenay Mooshinka.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxa uu sheegay in maanta aan loo dul qaadan doonin carqaladeyn lagu sameeyo kulanka baarlamaanka, iyo sidoo kale in la hor istaago qeybinta mooshinkaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News