U bood dhigaalka

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta loo qeybin doono mooshin ka dhan ah Ra’iisul wasaare Cabdiweli (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxay kulan ku yeelan doonaan xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, kaa oo la filaayo in xildhibaanada loogu qeybiyo mooshin ka dhan ah Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in xildhibaanada maanta ay isku imaan doonaan, ajandaha ugu weyn uu yahay qeybinta Mooshinka Ra’iisul wasaaraha dalka laga keenay.

Dhanka kale ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu arkayaa dhamaan wadooyinka gala xarunta golaha shacabka, kuwaa oo sugaaya amaanka guud.

Waxaa halkaasi laga celinayaa gaadiidka dadweynaha, waxaana ciidamada ay yihiin kuwo fasaxaya oo kaliya gaadiidka dowladda.

Dhawaan ayaa xildhibaanada kulan ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka, waxa uu noqday mid fashil kusoo dhamaaday ka dib markii xildhibaano diidan mooshinka laga keenay Ra’iisul wasaaraha ay halkaasi buuq ka sameeyeen.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News