U bood dhigaalka

Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Maanta Si Kama Dambeys Ah Uga Doodi Doona Miisaaniyadda 2015

Sheeko:Dalka

xildhibaanXildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in si kama dambeysa ah ay uga doodaan miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2015.

Gudiga Maaliyadda ee Baarlamaanka ayaa laga dhageysan doonaa warbixino ku aadan wax ka bedalka Miisaaniyadda, waxaana la filayaa in ay suurta gal noqoto in codka loo qaado.

Xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho waxaa haatan kusii qul qulaaya xildhibaanada baarlamaanka dalka, iyadoona daqiiqado ka dib kulanka uu furmi doono.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Laba Maalin ka dooday arintaan la xiriita Miisaaniyadda iyadoona maanta maalintii ugu dambeysay ay tahay lana filayo in ay ansixiyaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News