U bood dhigaalka

Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Meel Mariyay Miisaaniyadda Dowladda Ee Sanadka 2015

Sheeko:Dalka

XildhibaanXildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, ayaa meel mariyay miisaaniyadda dowladda ee Sanadka 2015.

Kala Fadhiga Shanaad Baarlamaanka Kulankiisa 26-aad ayaa waxaa shir gudoominaayay gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar, iyadoo kulanka maanta uu ahaa mid xasaasi ah.

Xildhibaanada ayaa horay uga dooday arinta ku aadan Miisaaniyadda, waxaana maanta la arkayay xildhibaano ka biyo diidanaa arintaan, hase ahaatee gudoomiyaha gudiga Maaliyadda Baarlamaanka Samaan Sheekh Daahir Maxamed ayaa baarlamaanka ka hor akhriyay warbixintii Gudiga Maaliyadda ee Baarlamaanka.

Samaan ayaa sheegay in dhamaan soo jeedintii xildhibaanada baarlamaanka lagu soo diray warbixinta gudiga maaliyadda Baarlamaanka uu ka horjeedinayo.

Intaasi ka dib gudoonka baarlamaanka ayaa cod baahiyaha u ogolaaday ilaa Seddax Xildhibaan, kuwaa oo hadalkooda laga dareemi karayay in wax un ay ka saluugsanyihiin Miisaaniyadda.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar ayaa markii dambe xildhibaanada ka dalbaday in codka lageliyo Miisaaniyadaan, si aysan u dhicin in muddo Seddax bil ah ay dib ugu laabato wasaaradda Maaliyadda.

Waxaa la guda galay codeyntii Miisaaniyadda dowladda ee Sanadka 2015, waxaana miisaniyadda aqbalay xildhibaano gaaraya 148, halka 9 xildhibaan ay diideen, iyadoo 5 mudane ay ka aamuseen waxaana sidaasi ku meel mariyay miisaaniyadda Sanadka 2015 ee dowladda Federaalka.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News