Xildhibaanada Federaalka oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Warbaahinta, Lana Qebiyay Sharciga lagu dhisayo Maxkamadda Dastuuriga

Kulanka 6aad, Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka ayaa maanta ka dhacay xarunta golaha shacabka, waxaa ajendayaasha ka mid ahaa: Dhaarin Xildhibaan, Doodda Hindise Sharciyeedka warfaafinta, Qeybinta Hindise Sharciyeedka lagu dhisayo Maxkamadda Dastuuriga.

Ugu horeyntii waxaa dhaariyay Cabdiraxman Xuseen Odawaa oo badalay AUN Xildhibaan Abtidoon oo ku geeriyooday qaraxii 1da bisha ka dhacay Saxafi Hotel.

Waxaa la guda galay doodad hinidies aharciyeedka xeerka Warfaafinta, in ka badan 10 Xildhibaan ayaa is qoray sidii arrinkan uga hadli lahaayee.

Waxaa la qeybiyay Hindise sharciyeedka Lagu dhisayo Maxkamadda Dastuuriga, taas oo qeyb ka ah sida uu qabo sharci hoodaaska Baarlamaanka.

Ugu dambeyntii Jaylaani Nuur Ikar oo shir guddoominayey kulanka ayaa u hambalyeeyay doorashada guddoomiyaha cusub ee golaha Wakiillada Puntland Axmed Cali Xaashi.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW