U bood dhigaalka

Xildhibaanada Gobalada Waqooyi Oo Niyad Jab Ka Muujiyay Go’aanka Villa Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Xildhibaanada labada aqal ee deega dorashadooda ay tahay gobalada waqooyi ayaa si adag uga soo horjeeysta warkii shalay ka soo baxay xukuumadda federaalka ay ku sheegaty in laguda galayo howlaha doorashooyinka .

Kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada laga soo doorta Gobalada Waqooyi ayey ku shegeen in ay nasiib daro tahay xilli ay taagan yihiin Tabashooyin in ay xukumadda guda gasho doorashooyinka .

Qoraal ka soo baxay xildhibaanada ayaa lagu yiri “Guddoomiyaha Aqalka Sare, Siyaasiyiinta, Dhaqanka iyo Waxgaradka kasoo jeda Goballada Waqooyi ee Somaliland (GWSL) waxay ka xunyihiin oo nasiib darro weeyn ku tilmaamayaan in xukuumadda ku dhawaaqdo in uu dalku doorasho galayo . iyadoo aan weli wax xal ah laga gaadhin tabashooyinka laga keenay gudiyada doorashada ee lagu muransan yahay, doorashada xildhibaanada ka soo jeeda GWSL, khilaafka ka taagan Gobalka Gedo iyo arimaha kale ee la xidhiidha maamulka iyo habraacyada loo marayo doorasho laysku waafaqsan yahay oo dalka oo dhan isku mar ka dhacda, sidii ku qorneyd heshiiskii 17-September2020.

Hoos ka Akhriso Qoraalka  Xildhibaanada Gobalada Waqooyi Oo Dhameeystiran.