U bood dhigaalka

Xildhibaanada La Baxay Badbaado Qaran oo Kasoo Horjeeda Mooshinka oo Shir Jaraa'id ku Qabtay Hoteel Xayaat (Dhageyso + Sawirro)

Sheeko:Dalka

DSC_0275

Kadib kulankii buuqa weyn ka dhashay ee baarlamaanka ee uu qorshuhu ahaa in lagu qeybiyo mooshin ka dhan ah Ra’isulwasaaraha ayaa xubnihii diidanaa mooshinka waxa ay shir ku yeesheen Hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho, iyaga oo saxaafadda la hadlay.

Cabdi Axmed Dhuxuloow oo ah guddoomiyaha xildhibaanada la baxay Badbaado Qaran oo kasoo horjeeda mooshinka ayaa sheegey in ay iyaga u taaganyihiin dhowrista sharciga dalka.

Cabdirisaaq Jurile oo ugu hor hadlay ayaa sharaxay sida uu yahay nidaamka baarlamaanka, kadibna wuxuu sharaxay wixii meesha ka dhacay oo uu sheegey in ay sinaba u waafaqsanayn shuruucda iyo nidaamka baarlamaanka.

Cabdi Axmed Dhuxuloow oo go’aanka xildhibaanada saxaafadda u akhriyey ayaa yiri “Anaga in aan buuqeyno ma ahan, ee waxaan diideynaa qaranka la duminayo, waxaan difaacaynaa in awoodihii hey’ad ka mid ah dowladda gacanta loo galiyo hey’ad kale oo aanan mudneyn waliba” , wuxuu intaasi ku daray in 10 bilood ka hor ay Ra’isulwasaare kale rideen, hadana aysan munaasab ahayn in mid kale ay ridaan, wuxuu intaasi ku daray in shaqadii baarlamaanka u tiiley la curyaamiyay.

“30 hindise sharciyeed ayaa noo qorsheynaa in aan meelmarino, hadda afar bilood ayaa naga luntey oo buuq na lagu furey” ayuu yiri Xildhibaan Dhuxuloow oo balanqaaday in ay difaacayaan danta dalka iyo tan dadka.

Dhageyso Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxuloow

Dhageyso Xildhibaan Cabdirisaaq Jurile

Dhageyso Xildhibaan Cabdi Barre

DSC_0271 DSC_0268 DSC_0263 DSC_0249 DSC_0246 DSC_0243

Goobjoog News