U bood dhigaalka

Xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinka Ra’iisul wasaare Cabdiweli oo boorar lasoo galay xarunta golaha shacabka (Sawiro)

Sheeko:Dalka

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo horjeeda mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa soo qaatay booray ay ku qoran yihiin erayo kala duwan.

Boorarka ay soo wataan xildhibaanada ayaa waxyaabaha ku qoran waxaa ka mid ah, “BADBAADI QARANKA, QOF AMA QARAN” iyo erayo kale.

Xildhibaanadaan oo aad u badan ayaa halkaasi ka qaaday heesta Soomaaliyee toosoo, waxaana sidoo kale taasi ay keentay in gudoomiye Jawaari uu xal u waayo in shirka mar kale uu furo, isaga oo dib ugu laabtay xafiiskiisa.

Weli xildhibaanada waa kuwo ku sugan xarunta golaha shacabka ee Muqdisho, gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisana waxay ku jiraan xafiiska gudoomiyaha, iyadoo weli wax go’aan ah aanu gaarin gudoomiyaha.

Halkaan hoose ka daawo sawirada.

55 56 57 58 59