U bood dhigaalka

Xildhibaanada maamulka Jubbaland Oo Ansixiyay Miisaaniyad Sanadeedka 2016

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada baarlamaanka maamul goboleedka Jubbaland oo kalfadhigii kowaad kulankiisii 54aad ku yeeshay xarunta baarlamaanka ee magaalada Kismaayo ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay miisaaniyad sanadeedka Maamulka ee 2016.

Kulanka baarlamaanka ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga maaliyadda iyo la xisaabtanka maamulka Cali Cabdi Maxamud, waxaana soo xaadiray 53 xildhibaan, ajandaha xildhibaanada horyaallay ayaa ahaa ansixinta miisaaniyad sanadeedka maamulka oo ay in muddo ah ka doodayeen xildhibaanadu, ugu dambeyn waxaa la geliyay cod iyadoo 40 xildhibaan ay ogolaatay in la meelmariyo miisaaniyadda, halka 9 xildhibaan ay diideen, 2 kalena ay ka aamustay.

Ugu dambeyn guddoomiyaha guddiga maaliyadda iyo la xisaabtanka baarlamaanka Jubbaland oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in “Miisaaniyadda la ansixiyay ay gaareyso $12,372,273 (laba iyo toban milyan seddex boqol todabaatan iyo laba kun laba boqol todobaatan iyo seddex dollar), oo isugu jirta tii golaha fulinta iyo tii baarlamaanka, iyadoo lagu saleeyay wixii Jubbaland Soo gala, waxaana lagu ansixiyay cod aqlabiyad leh, waddo dheer ayayna soo martay, waxaanan cadeynayaa in miisaaniyaddaasi ay martay wadadii loogu tala galay, waxaanan beesha Caalamka iyo dowladda Federaalka ahba ugu baaqeynaa iney Jubbaland ku garab istaagaan”.