U bood dhigaalka

Xildhibaanada Mooshinka“ Xildhibaanada waxaa ay Lumiyeen Kalsoonidii ay u Hayeen Guddoomiyaha mar haddii uu ku sifoobay Musuq”

Sheeko:Dalka

Xildhibaanada Mooshinka Xil-ka-qaadista Madaxweynaha ayaa War-Saxaafadeed ay soo gaarsiiyay Goobjoog News  waxaa ay ku cambaareeyay Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, kuna tilmaamay in uu Musuq iyo Xagar-daamo ku hayo Mooshinka.

Xildhibaanada oo ka jawaabayey shirkii shalay ayaa ku eedeeyay Jawaari in 8 Xildhibaan cadaadis saaray si uu u dhaho waxay Matalaan Xildhibaanada Mooshinka iyagoo intaa raaciyay in ay  lumiyeen kalsoonidii ay ku qabeen Jawaari mar haddii uu si sifoobey Musuq, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Xildhibaanada ayaa sheegay in sheekada ay tahay”Qaade iyo Qariye” mar haddii sharciga la iska weyneysiinaayo ayey sidoo kale qoraalkooda ku xuseen.

Xildhibaanada waxaa ay Jawaari uga digeen xagar Daamada uu wado, isagoo dusha ka saaray Cawaaqib xumida ka dhalan doonta iyo sharaf dhaca ku imaanaya Golaha shacabka iyo Xildhibaanada.

Ugu Dambeyntii Xildhibaanada waxaa aya Jawaari xusuusiyeen in uu u dhaartay Shacabka ee aanu u dhaaran in Eex u galo Madaxwrynaha iyo beesha Caalamka.

War Saxaafadeedka oo Dhameystiran halka Riix:

Warsaxaafadeed 11102015 (1)