U bood dhigaalka

Sharci Ku Saabsan Xuquuqda Siyaasiyiinta Xilka Ka Taga ama Geeriyooda Iyagoo Xilal Haya

Sheeko:Dalka

Kulanka 10naad, Kalfadhiga 7-aad ee golaha shacabka waxaa maanta ajendihiisa ka mid ahaa Akhrinta 3-aad Hindise Sharciyeedka Maal-gashiga Shisheeye, Waxaa kaloo la qeybiyay Mashruuc sharci ku saabsan xuquuqda Liiltirka iyo deeqaha ay yeelanayaan siyaasiyiinta dowladda federaalka ah.

Ugu horeyn waxaa akhrinta sedexaad maray Hindise Sharciyeedka Maal-gashida Shisheeye kaas oo kulankii Koobaad ee kalfadhigan maraya Akhrinta Labaad, sharcigan ayaa ku muuqda mid la dadajinayo.

Waxaa sidoo kale maanta la qeybiyay Mashruuc sharci ku saabsan xuquuqda Liiltirka iyo deeqaha ay yeelanayaan siyaasiyiinta dowladda federaalka ah.

Mashruucan waxaa soo diyaariyay Guddiga xeer hoosaadka, anshaxa, xasaanadda iyo daryeelka xildhibaanada golaha shacabka si waafaqsan qodobka 69(1)(B) ee dastuurka federaalka Soomaaliya

Sharciga waxaa uu ka hadlayaa xuquuqda iyo deeqaha ay leeyihiin Madaxweynayaasha xilka ka fariistay, Madaxweyne xilka uga fariistay caafimaad darro, Caruurta Madaxweynaha geeriyooday isagoo xil haya, Afadiisa, xuquuqda Xildhibaanada, gudoomiyayaasha labada aqal iyo haddii caruur iyo afo ay ka tageen.

Waxaa kaloo uu ka hadlayaa Xuquuqda Ra’aisul Wasaaraha xilka ka tagay ama geeriyooday, ku xigeenadiisa, guddoomiye ku xigeennada golaha shacabka, caruurtooda iyo haweenkooda, Xildhibaanada, golaha Wasiirrada iyo dhamaan xuquuqda siyaasiyiinta dalka.

Tusaale ahaan, waxaa ku qoran in Madaxweynaha ka dega ama is casila uu helayo 70% gunno bileedkiisa, guri dowladeed, baabuur iyo wixii la mid ah, daryeel caafimaad, hal unug oo amingiisa suga, xogheye, xogheye, waxaa kaloo laga bixinayaa qarashka biyaha, labo adeege iyo Tecket-ka dayuuradda marka shaqo rasmi ah loo diro, waxaa kaloo uu helayaa kaaliye u gaar ah

Haddii Madaxweynaha tusaale ahaan xafiiska looga fariisiyo sababo caafimaad, waxaa uu helayaa 60% gunnadisii, guri iyo baabnnur , daryeel caafimaad, gaddiidka ilaalada amniga, waxaa sidoo kale la siinayaa qarashka biyaha, korintada iyo arrimo kale halka afada Madaxweynaha iyo caruurta uu ka geeriyooda ay yeelan doonaan gunno bileed, guri, baabuur iyo darawal, daryeel caafimaad iyo wixii la mid ah.

Guddoomiyaha golasha shacabka waxaa uu helayaa 70% gunno bleed , guri iyo baabuur, daryeel caafimaad, xogheyn iyo qasnaji iyo labo adeege, waxaa kaloo afada guddoomiyaha ka geeriyyodo la siinayaa gunno bileed, guri, daryeel caafimaad, labo adeege, waxaa laga bixinayaa kharajka biyaha iyo korontada.

Ra’isul Wasaaraha xilka ka taga waxaa uu helayaa 70% gunno bileed, guri, baabuur, daryeel caafimaad, labo sarkaal iyo kharashka biyaha iyo labo adeege.

Afada Ra’isul wasaare iyo caruurta waxaa ay helayaan gunno bileed, guri, labo adeege waxaa kaloo laga bixinayaa kharajka biyaha iyo korontada.

Ra’isul wasaaraha geeriyooda isagoo xilka haya waxaa la siinayaa afadiisa gunno bileed, waxaa kaloo lacag dhan 70% gunnadooddii la siin doonaa gudoomiye ku xigeenadda labada gole marka ay xilka ka dagaan.

Waxaa kaloo lagu sheegay kharashka ku baxaya aaska qaran ee Madaxweynaha geeriyooday asaga oo xilka haya, Kharasha aaska guddoomiyaha golaha shacabka ama guddoomiyaha aqalka sare oo geeriyooda isagoo xilka haya iyo qarashka aaska qaran ee ra’isul wasaaraha oo geeriyooda isagoo xilka haya

Goobjoog News, Wararka Baarlamaanka