U bood dhigaalka

Xildhibaanadii diidanaa qeybinta mooshinka oo ka hadlay sababta keentay in ay bedalaan mowqifkii ay taagnaayeen (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xildhibaanadii diidanaa mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ka hadlay sababta keentay in ay ka laabtaan mowqifkii ay taagnaayeen.

Xildhibaan Sooyaan Warsame oo ka mid ah mudanayaashaasi ayaa u sheegay Goobjoog FGm, in wax badan la eegay isla markaana la wada hadlay laguna guuleystay in la isku afgarto in mooshinka guddoonka uu qeybiyo.

Wuxuu sheegay in markii hore ay wadeen xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan oo sida uu warka u dhigay kala yimid xaafadahooda, sidaa darteedna mooshinka aanu ahayn mid saxan, balse hadda gudoonka ay keenayaan.

Mudanaha ayaa sidoo kale sheegay inay aad ula qaldan tahay madaxweyne iyo raysal wasaare iskhilaafsan in baarlamaanka uu mooshin ka keeno xukuumadda, hase ahaatee xilligaan wixii sharciga ah la marayo.

Dhanka kale waxa uu ku cel celiyay in aqbalista dhankooda ay ku timid sidii ay shacabka uga saari lahaayeen jahwareerka soo wajahay iyo wax la mid ah.

Xildhibaan Sooyaan ayaa dhanka kale meesha ka saaray in la qanciyay xildhibaanadii diidanaa mooshinka, waxaana uu sheegay in ay tani u sameynayaan shacabka iyo maslaxadda dalka guud ahaan.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News