Xildhibaannada Baarlamaanka Oo Warbixin Ka Dhageysanaya Guddigooda Difaaca

Xidhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan kulan waxa ay ku leeyihiin Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, waxaana kulanka uu yahay mid maanta warbixin looga dhageysanayo guddiga Difaaca Baarlamaanka.

Habdhowraha baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud ayaa sheegay in guddiga ay ka warbixin doonaan waxqabadkooda, lagana dhageysan doonno arrimo aad u muhiim ah.

Waxyaabaha laga dhageysan doono waxaa ka mid ah kulamadii ay la yeesheen saraakiisha AMISOM iyo dhibaatooyin ay ciidamada AMISOM u geysteen dad shacab ah.

Guddiga ayaa sidoo kale laga yaabaa in warbixin uu ka siiyo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya heshiis 21-kii bishaan ay magaalada Muqdisho kula saxiixdeen guddiga difaaca Baarlamaanka ee wadanka Kenya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW