U bood dhigaalka

Xildhibaannada Federaalka ah oo Kaararkooda Aqaansiga Lagu Daray Hal Sano, Sabab?

Sheeko:Amniga

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ayaa hal sano loogu daray kaararka aqoonsiga ee ay sitaan.

Goobjoog News oo aragtay kaararkaasi,  waxaa u qornaa inuu dhacayo 31/12/2021, taasi oo dhigan in aqoonsiga ay sii heysan karaan ilaa dhammaadka 2021-ka.

Mid ka mid ah xildhibaannada oo la hadlay Goobjoog News, kana gaabsaday in magaciisa aan xusno ayaa waxaa uu qabaa in tani ay tahay waqti kordhin dadban.

Xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah waxaa uu waqtigoodu dhacay 27-kii bishan, waxaana lagu jiraa xilli olole doorasho, laakin sidaa ay tahay waxaa ay iska wataan shaqadooda.

Goobjoog News