U bood dhigaalka

Xildhibaannada Federaalka oo Tallaabooyin Adag ka Qaadi Doona Taliyeyaasha Booliska iyo sirdoonka Qaranka

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kalfadhigii 7aad kulankiisii 39aad, iyadoo xubnaha baarlamaanku maanta ay gaarayeen illaa 145 xubnood, waxaana shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad.

Shirka maanta ayaa ajandaha horyaalla xildhibaannadu uu ahaa mooshiinkii amniga oo wali ka doodistiisa ay sii socoto iyadoo maanta la filayay iney xildhibaannada hor yimaaddaan Wasiirka Amniga Cabdirisaaq Cumar Axmed iyo labada taliye ee Booliska iyo Nabadsugidda, laakiin waxaa soo xaadiray oo kaliya wasiir Cabdirisaaq oo u soo diyaar garoobay su’aal weydiinta xubnaha baarlamaanka.

Kalfadhigu markii uu furmay ayaa wasiirka la siiyay hadalka, isagoo xubnaha xildhibaannada u sheegay in arrinkii xasaanadda uu qoraallo ka sameeyay una kala diray taliyaasha ay khusayso isla markaana uu amar uu ku bixiyay in la ilaaliyo xasaanadda xildhibaannada qaranka, waxaanuu codsaday in su’aalo laga weydiiyo amniga si uu uga jawaabo maadaama arrinkii xasaannadda laga gudbay.

Dhanka kale xubnihii xildhibaannada baarlamaanka ayey u cuntami weyday iney  madasha soo xaadiri waayaan taliyaha Booliska iyo Nabadsugidda, iyagoo doonayay iney su’aalo weydiiyaan una soo diyaar garoobay, waxay codsadeen in wasiirka kaligiis aan loo baahneyn, isla markaana ay doonayeen in su’aalo weydiinta ay qeyb ka noqdaan taliyaasha amniga dalka.

Ugu danbeyn guddoonka baarlamaanka ayaa soo jeediyay iney wasiirka iska fasaxaan isla markaana ay kulan gaar ah oo albaabadu u xiran yahay ay qaataan, iyagoo ka wada hadlaya sidii ay wax iskaga oran lahaayeen xaallada amni darro ee dalka iyo sida ay tahay in wax laga yeello, iyo tallaabada ku haboon ee laga qaadan karo taliyaasha maanta aan soo xaadirin ee ka mas’uulka ah amniga dalka, iyadoo soo jeedinta goddoonka loo riyaaqay, saxaafaddana dibadda loo saaray.