U bood dhigaalka

Xildhibaannada Galmudug Oo Wax Ka Bedalay Qodob Dastuuri Ah Oo Ku Saabsan Xil Ka Qaadista Madaxweynaha Maamulka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada Maamulka Galmudug oo maanta isugu yimid xaruntooda magaalada Cadaado ayaa wax ka bedel ku sameeyay qodob dastuuri ah oo ku saabsan xil ka qaadista Madaxweynaha Maamulka iyagoo ku sababeeyay adkeynta la xisaabtanka Xukuumadda.

Kulankan ayaa ahaa kalafadhigii 2-aad kulankiisii 11aad, waxaana shir guddoominayay goddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir,  waxaana soo xaadiray illaa 55 xildhibaan, ajandaha horyaallay xubaha ayaa ahaa Mooshinka la xisaabtanka xukuumadda oo ay keeneen 24 xildhibaan.

Kulanka ayaa xildhibaanadu ka doodeen qodobka horyaallay oo ahaa tirada xilka looga qaadi karo madaxweynaha Galmudug oo markii hore ahayd seddex meelood oo laba meel, iyagoo tiradaa soo koobay  kana dhigay cod hal dheeri ah in xilka looga qaadi karo (50 %+1), ugu dambeyn codkii la galiyay si aqlabiyad leh ayey ku ansixiyeen.

Waxaa ogolaatay tirada codka looga qaadi karo Madaxweynaha iney noqoto (50%+1) 47 xildhibaan, halka  6 xubnood ay diideen,  2 xildhibaanna ay ka aamustay, iyadoo tirada guud ee xildhibaanada ay gaarayeen illaa 55 xubnood, waana sida uu Goobjoog News u xaqiijiyay xildhibaan Dr.Maxamed Cabdullaahi Cali oo kulanka joogay.

Si kastaba arrinkan ayaa cadaadis xooggan saaraya Madaxweynaha Galmudug iyo xukuumaddiisa oo aan illaa iyo hadda aan haysan miisaaniyad iyo xafiisyo ay ku shaqeeyaan toona.