U bood dhigaalka

Xildhibaannada Golaha Deegaanka Gaalkacyo Ee Puntland Oo La Dhaariyey (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta si rasmi ah loo dhaariyey xubnaha golaha deegaanka Gaalkacyo kuwaa oo ka kooban 31 mudane.

Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo ah wasiirka howlaha guud ee Puntland iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay munaasabadda lagu dhaarinayey xubnahan.

Wasiir Xirsi oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in xildhibaannadan la dhaariyey laga doonayo in si sharci ah shaqooyinkooda u gutaan.

Waxa uu kula dardaarmay in ay u doortaan xilka duqa Gaalkacyo iyo ku xigeenkiisa shaqsiyaad wax qabad muuqdo leh, islamarkaana lagu aamino karo amaanada umadda waa sida uu hadalka u dhigaye.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dhawaan kala adiray golahii hore ee deegaanka Gaalkacyo kadib markii amniga magaaladaasi uu faraha ka baxay.

D6 D5 D4 D3 D2 D1

Goobjoog News