U bood dhigaalka

Xildhibaannada Golaha Shacabka: Kheyre “Hanna Hor Yimaado”, Qaar Kale “Ha Iska Tago”!

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo 2badii maalin ee ugu dambeysay dood ka lahaa arrimaha amniga ayaa waxaa jiray xildhibaanno soo-jeediyey in loo yeero ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, si wax looga weydiiyo amni-darrida ka jira Muqdisho iyo guud ahaan dalka halka qaar kale ay kaba dalbadeen Kheyre inuu is-casilo.

Xildhibaannada dalbaday in loo yeero waxaa ka mid ah: Sareedo Cabdalla Maxamed, Axmed Mayow Cabdulle,  Zakariye Xasan iyo Maxamud Cabdiraxmaan Beene-beene.

Xildhibaan Sareedo Cabdalla Maxamed, oo golaha ka hadashay waxaa ay codsatay in loo yeero dhammaan laamaha iyo hey’adaha amiga “Waxaa muhiim ah in Loo yeero dadka ehelka u ah howlaha amniga dalka, isla markaana ay ka shaqeeyaan waxyaabaha dib noo dhigaya, madaxdana ay kala taliyaan istiraatiijiyada, waa In La joojiyaa bixinta garaadaha La siinayo Dadka Aan u qalmin”

Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle “Col. Ruush oo isna golaha ka hadley waxaa uu yiri “Waan qabaa in golaha looga yeeray wasiirka koowaad si amniga wax looga weydiiyo, isaga ha soo wato wasiirrada iyo taliyeyaasha la shaqeeya”

Xildhibaan Zakariye Xasan ayaa isna waxaa uu qabaa fikrad middaas la mid ah isaga oo yiri “Waa in aan u yeernaa ra’isul wasaaraha, oo aan wax ka weydiinnaa xaaladda amniga ee dalka iyo ballanqaadkiisii amniga”

Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beene-beene, oo waxaa uu wasiirka 1aad u soo jeediyey inuu la hadlo cidda mudan in lala hadlo “Waxaan idiin sheegayaa xukuumada Khayre waa guul daraysatay ee hadallada uu u sheegayo shacabka degmooyinka Ka yimid Baarlamaanka ha u sheego halkan ayaa Looga baahan Yahay”.

Dhinaca kale, waxaa jiro Xildhibaanno arrinta gaarsiiyey in uu ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre iska tago, waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Maxamed Ganey iyo Xildhibaan Cabdixakim Macalin Axmed, kuwaas oo ka dalbaday Kheyre inuu jagada banneeyo.

Golaha shacabka ayaa dooddan soo wadey, labadii maalin ee ugu dambeysay, iyaga oo badankood ay aad uga niyad-jabeen sida ay xukuumadda ula dhaqanto amniga dalka.

Xildhibaanno la hadlay Goobjoog News waxaa ay rajo ka qabaan in guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal uu u yeeri-doonno ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre marka ay maanta dhammaato doodda amniga.

Goobjoog News