U bood dhigaalka

Xildhibaannada Kahor Yimid Muddo Kordhinta oo Tagaya Xilli Mursal Diiddan yahay

Sheeko:Amniga

Qaar ka mid xildhibaanadii baarlamaanka Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ka mamnuucay in aysan soo xaadirin Fadhiyada Baarlamaanka ayaa sheegay in ay tagayaan Kulanka maanta .

Xildhibaan Mahad Maxmed Salaad oo ka mid ahaa xildhibaanadii Mursal uu ka mamnuucay in ay soo xaadiraan Fadhiyada Baarlamaanka ayaa sheegay in ay soo gaarttay fariinta lagu balamiyay xildhibaanada uuna tagi Doono .

Mahada Salaad ayaa sidoo kale sheegay in dhibaatooyinka dhaca uu mas’uuliyadeeda qaadan doono Maxamed Mursal.

Dhanka kale Madasha Badbaado Qarana ayaa dhankooda Qoraal ay xalay soo soo saareen ku shegay in ay cambaareynayaan Go’aanka uu Mursal xildhibaanada uga mamnuucay Shaqadooda.

Madasha Badbaado Qarana ayaa sidoo kale sheegtay in uu mas’uuliyadda dhibaatooyinka Xildhibaanada soo gaara uu qaadan doono Gudoomiyaha Baarlamaanka Mursal oo ay sheegen in Magacyada Xildhibaanada uu dhigay Baraha lagu hubiyo gaadiidka galaya Xarunta Baarlamaanka si looga Celiyo .

Maxamed Mursal Sh. Abdirahman ayaa 27-kii bishaan soo saaray go’aan uu 15 Xildhibaan kaga mamnuucayo in ay soo xaadiraan Fadhiyada Baarlamaanka .

Xildhibaanada Shaqada uu ka joojiyay ayaa waxaa ka mid ah Mahad Salaad , Xil Cabdullahi Maxamed  Nur , Xildhibaan Xasan Yare iyo Xildhibaano Kale .