U bood dhigaalka

Xildhibaannada Koonfur Galbeed oo Qeyb Ka Noqon Doona Dhaarta, Akhriso Sababta

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta la filayaa in la dhaariyo xildhibaannada baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, taasi oo soo afjareysa doorasho socotay sideed bil.

Heshiiska laga gaaray xildhibaannada Koonfur galbeed oo habeenimadii Arbacada ay FEIT ku fasaxday kuraasta kala aha HOP103 iyo HOP204 ayaa keentay in saaka ay goobta dhaarinta kusoo biiri doonaan xildhibaannada 76-da ee Koonfur galbeed, taasi oo xildhibaannada la filayo inery dhaartaan ka dhigeysa in ka badan 280.

War kasoo baxay FEIT ayaa lagu sheegay in kadib markii ay arkeen odeyaasha dhaqanka, bulshada rayidka iyo maamulka ay fasaxeen kuraasta HOP103 iyo HOP204  waxaana Guddiga ay sheegeen in lagu celinayo Kursiga HOP54 oo ay ku fashiso xildhibaan Sareedo.

Haddaba, la soco warka dhaarinta xildhibaannada

Goobjoog News