U bood dhigaalka

Xildhibaannada oo Ku Qulqulaya Teendhada Afisyooni, Sidee Ku Tagayaan?

Sheeko:Amniga

Waxaa bilowday in xildhibaannada dooran ee baarlamaanka 11-aad ay gaaraan teendhada Afisyooni halkaas o ay ka dhici doonto dhaarta xildhibaannada.

Inkasta oo ay ka dib dhaceen waqtiga  loo asteeyey ee ahaa 9.30 hadana waxaa jira xildhibaanno goor hore tagay goobta dhaarta.

Qoraan lasoo dhigay boggaggaga ay baraha bulshada ku leeyihiin labada aqal ayaa lagu sheegay

“Beri hadii ilaahay yiraahdo xildhibaanka oo wata aqoonsigiisaa waxuu imaanayaa akadamiyada tababarka Ciidanka Booliska ee Generaal Kaahiye (police academy) saacadu markay tahay 9.30 aroornimo.

Halkaa ayaa basas looga qaadayaa Xildhibaanada oo lagu geynayaa Teendhada Afasiyooni oo ah goobta xaflada dhaarintu ka dhacayso.

Baabuurtiina iyo askartiin waxaa uga tageysaan barxada Dusiga tababarka Booliska ee Genaral Kaahiye

FG: Xildhibaanada Degan Agagaarka Airporka Waa In Ay Yimaadaan Saldhiga Airporka Halkaas Oo Loogu Diyaariyey Basaki Ka Qaadi Lahaa Islamarkana Uu Geyn Laha Goobta Dhaarinta.

Goobjoog News