U bood dhigaalka

Xildhibaanno Cusub Oo Lagu Dooranayo Puntland

Sheeko:Dalka

Waxaa si habsami leh Garoowe uga socota doorashada aqalka, doorashada waxaa ay gashay maalintii labaad.

Saaka waxaa lagu ballansan yahay in la doorto labo Xildhibaan, si tirada guud  ee qeybta koobaad u noqoto 12 Xildhibaan.

Kurisga 11aad ayaa hadda dhamaaday waxaana ku tartamayey  Maxamaed Axmed  Kulane , Saciid Faarax Maxamud iyo Cabdicasis Guhaad Maxamud

Cabdi Casis Maxamed Maxamud ayaa ku guuleystay kursigaa kadib markii uu helay 28, Maxamaed Axmed  Kulane 10 cod , Saciid Faarax Maxamud waxaa uu helay 13 cod.

Sabtidii ayey Puntland bilowday doorashada aqalka hoose, 10 Xildhibaan ayaa isla shalay la doortay, halka labada hartana maanta la dhameystirayo.