U bood dhigaalka

Xildhibaanno Cusub Oo Loo Dhaariyay Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed

Sheeko:Baarlamaanka

Munaasabad ka dhacday magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay ayaa maanta waxaa lagu dhaariyay tiro cusub oo ka mid noqonaya baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Xubnaha la dhaariyay waxay tiradooda gaaraysaa 56 mudane, kuwaasi oo ku biiraya 89 mudane oo horay loo dhaariyay.

Wadarta guud ee xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa ah hadda 145, halka Dastuurkooda uu qabo in baarlamaanka uu ka koobnaado oo kaliya 95 mudane.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadaan lagu dhaarinayay xildhibaanadaan ayaa kula dardaarmay in ay si sax ah uga soo baxaan waajibaadka shaqo ee horyaalla.

Inkastoo maanta lasoo dhameystiray xildhibaanada baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed, hadane waxaa arrinkaasi kasoo horjeedda qaar ka mid ah beelaha deggan gobalka Bakool oo sheegaya in si qaldan loo qeybsaday baarlamaanka, qaarkoodna sameystay maamul ay ugu magac dareen Bakool sare.

Goobjoog News