U bood dhigaalka

Xildhibaanno Iyo Waxgarad Ku Howlan Xallinta Xiisad Siyaasadeed Ka Jirta Degmada Garbahaarey Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Degmada Garbahaare ee xarunta gobalka Gedo waxaa ka soconaya kulamo ballaaran oo lagu doonayo in lagu xalliyo xiisad siyaasadeed dhinaca maamulka ah oo halkaasi ka jirta, waxaana xalkaan wada xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo Waxgaradka gobalkaasi.

Nabadoon Buraale Jaamac Deer oo ku sugan Garbahaarey ayaa u sheegay Goobjoog News, in haatan uu socdo kulamo badan oo ku aadan sidii loo xallin lahaa khilaafka jira iyo sidoo kale in la’is af garto.

Waxa uu tilmaamay Nabadoonka in ay la kulmeen madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Jeneraal Fartaag, islamarkaana haatan ay dhowdahay in la helo xalka ugu dambeeya ee xiisadaan.

“Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland iyo xildhibaanada ku sugan Garbahaateen ee uu ka mid yahay Magan waxaan wadnaa dadaallo badan oo aan ku xallinayno wax walba oo jira, rajada hadda ma xuma, waxaana laga yaabaa in lasoo gabagabeeyo wax walba oo jira maalmaha soo aadan” ayuu yiri Nabadoonka.

Maamulka Jubbaland ayaa xilkii ka qaaday gudoomiyahii Gedo Maxamed Cabdikaliil iyo gudoomiyaha Garbahaarey Iimaan Caddow Kaarshe, iyaga oo sheegay in weli ay xilalkooda hayaan, kana hor yimaadeen in ay shaqo wareejin sameeyaan.

Goobjoog News