Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa ka hadlay khilaafka ka jira maamul u sameeynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhex, uguna baaqay dowladda federaalka iney tixgeliso rabitaanka shacabka Hiiraan.
Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in qaab aan habbooneyn ay u waajahday dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.
Xildhibaanadan oo si wada jir ah u haydlay ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay iney tixgeliso rabitaanka shacabka reer Hiiraan, kaas oo ah in la qabto shir dib u heshiisiineyd ka hor inta aan la dhisin maamulka labada gobol.
“Arrinta Hiiraan ee runtii meesha xun martay, waxaa nasiib darro ah in kaarkii ugu dambeeyay ee ra’iisul wasaarahana la gubayo, horeyna uu u soo gubtay kaarkii madaxweynaha, haddana la rabo in la gubo magaca iyo sharafta ra’iisul wasaaruhu uu ku leeyahay gobolka, taas ayaa bilaabatay hadduu raalli ka noqonayo iyo haduusan ka noqoneyn”ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre.
“Ummad meel iskugu timid ugaasyo, cuqaal iyo wabarro oo dheheen waxaa rabnaa in dib u heshiisiin loo sameeyo gobolka Hiiraan, ayaa dowladdii waxay leedahay taa uma baahnidiin, waxaad u baahan tihiin inaad ku darsantaan shabeelaha dhexe, taa ma diidana, laakiin waxay mudnaanta siinayaan iney heshiiyaan, dowlad maskax furan hadday jirto madaxweyne dalkan u turayaa haddii uu jiro waxa uu dhihi lahaa; dadkan ay dhibaatadu haysato, haday leeyihiin waan heshiineynaa wixii dhaqaale ah aan u raadinno, gogoshii dib u heshiisiintana aan u furno” ayuu sheegay Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.
Waxa kale oo ay eedeeyn kulul dusha uga tureen wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, oo ay ku eedeeyeen in muddo laba sitimaan ah uu Baladweyne u fadhiyo kala qeybinta odayaasha Hiiraan, iyagoo sheegay in odoyaasha uu lacag ku kala qeybinayo iyadoo ay dalka Abaaro ka jiraan.
8 oday dhaqameed oo ka soo jeeda Hiiraan ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Baladweyn 7 Maro, ku sheegay iney gabi ahaanba qaadaceen shirka Jowhar, isla markaan ay shirka dib u heshiisiin ah u qabanayaan beelaha Hiiraan oo wali si dhab ah aan uga heshiin dhibaatadii dagaallada sokooye.
Goobjoog News