U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Oo Ka Warammay Socdaal Ay Ku Marayaan Goballada Waqooyi Ee Dalka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka ayaa qeybo kamid ah goballada waqooyi socdaal ku maraya iyagoo u kuurgalaya xaaladaha deegaanka.

Xildhibaannadani oo gaaraya illaa 5 mudane oo baarlamaanka federaalka ka tirsan ayaa socdaal ku maraya goballada Sool, Sanaag iyo Togdheer oo ay ka jiraan siyaasado isdiidan.

Waxaa qeybo kamid ah goballadaasi maamula Somaliland oo iyadu isku aragta inay tahay dowlad ka madaxbannaan Soomaaliya inteeda kale, balse weli caalamka uusan u aqoonsan qorshahooda.

Xildhibaannadani oo maalmihii dambe ku sugnaa Buuhoodle waxaa weeraray ciidamada Somaliland, hase yeeshee waa ay ka badbaadeen weerarkaasi.

Xildhibaan Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed oo kamid ah xubnahaasi ayaa Goobjoog News uga warramay waxyaabihii ay ku soo arkeen deegaannada ay joogaan iyo weerarka Somaliland ay kala kulmeen.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in goballada ay joogaan ay ka jirto xaalado kala duwan oo nolosha ah, waxaana uu sheegay in dowladda Federaalka ay dayacday dadka halkaasi ku dhaqan.

“Dowladda Federaalka wax ay dadkaasi ka sameeyeen lama oga, waa la dayacay, waa deegaanno muhiim ah, waxaa iska jira baahiyo kala duwan, dadkani xaqii ay ku lahaayeen dowladda iyo Beesha caalamka wuu maqan yahay” ayuu yiri xildhibaanka.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdirashiid ayaa xaqiijiyey in ay tageen Deegaanka Ceegaag oo ka tirsan Gobolka Togdheer, islamarkaana markii ay halkaasi kasoo tageen ay yimaadeen ciidamo Somaliland ah balse ciidankaasi ay ku baxeen ciidan kale oo Khaatumo ah halkaasina iska horimaad uu ka dhacay.

Saacadihii ay deegaankaasi ku sugnaayeen waxa uu sheegay xildhibaanka inay la kulmeen dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada, islamarkaana ay uga warameen marxaladda ay ku nool yihiin iyo waxa dowladda Federaalka uga baahan yihiin.

Maalmihii ugu dambeeyay waxay xiisadi ka jirtay deegaanno ka mid ah gobollada Togdheer, Sool iyo Sanaag xilli xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka ay halkaasi socdaal ku marayaan.
Goobjoog News