U bood dhigaalka

Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Oo Ku Geeriyooday Weerarkii Ambasador

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar rag la sheegay inay ka mid yihiin Al-shabaab ay gabal dhacii maanta ku qaadeen Hoteelka Ambasador ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo khasaare uu ka dhashay.

Weerarkaan oo ay ku dhinteen shacab iyo mas’uuliyiin ayaa la xaqiijiyey in xildhibaannada kala ah C/laahi Jaamac iyo xildhibaan Guure ay ku dhinteen weerarkaasi sida lagu qoray wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA, waxaana jira mas’uuliyiin kale oo dhaawac ah.

Marka hore bannaanka hore ee Hoteelka ayaa lagu qarxiyey gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa waxaana xigay dabley hubeysan oo hotelka gudaha u galay.

Wadarta guud waxaa halkaasi ku dhintay dad ka badan 10, iyadoo dhaawaca uu gaarayo 50 qof oo shacab u badan.

Wariyeyaal ka tirsan Goobjoog oo gaaray qaar ka mid ah Isbitaalka Madiina waxay soo arkeen dhaawaca 52 qof oo shacab ah iyo sidoo kale Meydka 5 ruux oo halkaasi la geeyay.

Saraakiisha caafimaadka Isbitaalka Madiina ayaa sheegay in 10 qof oo ka mid ah dadkii dhaawaca guryahooda loo diray kadib markii loo sameeyay adeegyadii ay u baahnaayeen.

Goobjoog News